Dowlada Sooomaliya ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay Shan Askari oo ka tirsan Ciidanka AMISOM iyo 10-qof oo Soomaali ah kuwaasi oo iibinayay qalabka loo keeno Ciidanka AMISOM.
Askarta iyo dadkaan ayaa Ciidamada Amaanka Soomaaliya waxay ka qabteen Garaash ku yaala Wakaaladii Biyaha ee aga’gaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.
Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo warbaahinta kula hadlay goobta lagu qabtay ciidanka AMISOM iyo dadkaan ayaa wuxuu sheegay in ciidanka Amaanka ay daba socdeen arintaan ugu danbayntiina maanta ay u suurta gashay inay qabtaan shaqsiyaadkaan iyo Alaabihii ay iibinayeen.
Dhanka kale Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa asna dhankiisa sheegay in Ciidanka AMISOM ee la qabtay iyo dadka la shaqaynayay sharciga la horkeeni doono, wuxuuna Ciidanka Amaanka ku amaanay talaabadaan ay qaadeen.
Sidoo kale Wasiirka Wasaarada Amniga Gudaha ee Xukuumada Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in arintaan ay tahay danbi oo aysan ka war haynin Dowlada Soomaaliya.





