Wasaarada Maaliyada Koonfur Galbeed oo Sheegtay in Canshuur Dhaaf ay u Sameeneyso Ganacsatada Qurbo Joogta

0

Wasiirka Maaliyada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Shiikh Xasan Ibraahim Xasan Lugabuur oo Saxaafada Kula Hadlay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa sheegay In Dadka Ka Imaanaya Dalka Dibadiisa ee looyaqano Qurba Joogta, Islamarkaana Doonaya In Maalgashi Ganacsi ay Ku Sameystaan  Deegaanada uu ka Arimiyo Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya  In ay Soo Dhaweeynayan Islamarkana ay u Sameyn doonaan iyaga ahaan Canshuur Dhaaf.

Sidoo Kale Wasiirka Maaliyada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Shiikh Xasan Ibraahim “Xasan Lugabuur ” waxa uu tilmaamay in ay sugi Doonaan Amaanka Meelaha ay ku Ganacsanayaan  Ganacsatada Qurba Joogta ah.

Wasiirka Maaliyada Maamulka Koonfur Galbeed oo Hadalkiisa Siiwata ayaa Shuruudo Hordhigay Dadka Qurba joogta ah, Sharuudahaasi  oo  ay ka mid tahay In aysan   deeganada koonfur Galbeed uu ka arimiyo aysan keenin waxyaabo Ganacsi ah oo lidi ku ah diinteena suuban ee islaamka.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here