Dowlada Soomaliya oo Sheegtay in La Dilay Madaxii Tababarada Xarakada Al-shabaab

0

Saraakiil ka Tirsan Hay’ada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Somaliya Ayaa Sheegay in la Dilay Madaxii Tababarka Xarakada Al-Shabaab oo Magaciisa Lagu Soo Gaabiyay Macalin Aadan .

Sarkaalkani ayaa la sheegay in lagu dilay Duqeeyn ka dhacday Duleedka  Deegaanka Warmaxan ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Hay’ada NISA ayaa Sheegtay in Sarkaalkaan  uu Degaanka  Warmaxan ee Gobolka Shabeelaha Hoose ku Tababarayay Ciidamo ka Tirsan Al-Shabaab oo halkaasi ku sugnaa.

NISA ayaanan  Faah Faahin intaasi dheerad ah ka bixin Sarkaalkani iyo Qaabka loo Dilay hayeeshee waxa ay sheegtay in Duqeeyn lala bartilmaameedsaday.

Maalmihii ugu Dambeeysay Waxaa duqeeymo  la eeganayay Masuuliyiin sarsare oo katirsan al-Shabaab oo ku sugan Gobolada Dalka Somaliya.

Nabadsugida Somaliya ayaa sheegtay in horay loo dilay Shiikh Dulyadeeyn oo xubin sare ka ahaa Al-Shabaab, waxaana warkaan lagu qoray wakaalda Wararka Soomaliyeed ee Sonna

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here