Daawo:- Madaxweynihii Hore ee Soomaliya Shiikh Shariif oo Nairobi ka Qeyb Galay Xaflad kana Hadlay Waxyaalo Badan

0

Madaxweynihii Hore ee Soomaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ku sugan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo ka qeyb galay Xaflad ay soo qaban qaabisay Jaaliyada Soomaliyed ee Magaaladaas.

Xaflad waxaa ka qeyb galay Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Soomaliya iyo kan Kenya, siyaasiyiin xilal Horey ugu soo qabtay Dowladihii dalka Soomali soo maray, iyo qaar kamid ah Soomalida ku dhaqan Magaalada Nairobi.

Ugu horeyntii  Madaxweynihii Hore ee Soomaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo qudbad dhinacyo badan taabanaysa xaflada ka jeediyay ayaa tacsi u direy Eheladii dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay weerarkii Shalay lagu qaaday Hoteelka Ambassador ee Magaalada Muqdisho oo Mas’uuliyadiisa ay sheegteen Xarakada Al-shabaab.

Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed Madaxweynhihii Hore ee Soomaliya  ayaa sheegay in  Xarakada Al-shabaab ay sii jiri doonaan inta uu jiro Qabiilka dalkana aysan foodada ka dhamaaneenin waa siduu hadalka u dhigee.

Dhanka kale Madaxweynihii Hore ee Soomaliya ayaa sheegay in dalka Soomaliya  sababtuu la dagi la’yahay ay kamid  tahay  Cadaalad darada sidaas darteed Shacabka Soomaliyeed loogu baahan yahay in ay  ka hortagaan Cadaalad darada.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here