Madaxweynihii Hore ee Soomaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ku sugan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo ka qeyb galay Xaflad ay soo qaban qaabisay Jaaliyada Soomaliyed ee Magaaladaas.
Xaflad waxaa ka qeyb galay Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Soomaliya iyo kan Kenya, siyaasiyiin xilal Horey ugu soo qabtay Dowladihii dalka Soomali soo maray, iyo qaar kamid ah Soomalida ku dhaqan Magaalada Nairobi.
Ugu horeyntii Madaxweynihii Hore ee Soomaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo qudbad dhinacyo badan taabanaysa xaflada ka jeediyay ayaa tacsi u direy Eheladii dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay weerarkii Shalay lagu qaaday Hoteelka Ambassador ee Magaalada Muqdisho oo Mas’uuliyadiisa ay sheegteen Xarakada Al-shabaab.
Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed Madaxweynhihii Hore ee Soomaliya ayaa sheegay in Xarakada Al-shabaab ay sii jiri doonaan inta uu jiro Qabiilka dalkana aysan foodada ka dhamaaneenin waa siduu hadalka u dhigee.
Dhanka kale Madaxweynihii Hore ee Soomaliya ayaa sheegay in dalka Soomaliya sababtuu la dagi la’yahay ay kamid tahay Cadaalad darada sidaas darteed Shacabka Soomaliyeed loogu baahan yahay in ay ka hortagaan Cadaalad darada.

