Dowlada Soomaliya oo ka Hadashay Soo Dhaweynta Wafdiga Madaxweynaha dalka Turkey-ga Recep Tayyip Erdogan

0

Wasiirka Amniga ee Xukuumada  Soomaliya Mudane C/risaaq Cumar Maxamed oo la hadlay laanta Afka Soomaliga ee Voa-da ayaa sheegay in Dowlada Soomaliya ay si weyn ugu diyaar garowday soo dhaweynta Wafdiga Madaxweynaha dalka Turky-ga oo Maalinta bari ah kusoo wajahan Magaalada Muqdisho.

Mudane C/risaaq Cumar Maxamed ayaa tilmaamay in Ciidamada Amaanka Dowlada Soomaliya iyo Ciidamada Amisom ay ka qeyb qaadan doonaan sugida amniga inta uu Magaalada Muqdisho ku sugan yahay wafdiga Madaxweynaha dalka Turky-ga Mudane Recep Tayyip Erdogan oo maalinta bari ah kusoo wajahan  Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Amniga ee Xukuumada  Soomaliya ayaa meesha ka saaray in falkii Shalay lagu Weeraray Hoteelka Ambassador mid lamid ah in uu ka dhaco Magaalada Muqdisho maalinti bari ah oo uu booqsho  ku imaanayo Madaxweynaha dalka tukry-ga Recep Tayyip Erdogan.

Shalay ayay aheyd markii Weerar  loo Adeegsaday gaari oo  lagu Weeraray Hoteelka Ambassador ee Magalada Muqdisho kaasi oo noqday kii ugu waqti badan ee Al-shabaab geystaan Magaalada Muqdisho.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here