Wasiiro ka Tirsan Xukuumada Soomaliya oo Gaaray Magaalada Beledweyne

0

Wasiiro ka tirsan Xukuumada Federaalka ee Soomaliya ayaa maanta gaaray Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Wasiirada gaaray Magaalada Beledweyne waxaa kamid ah wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumada Somaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen “Odwaa” iyo Wasiirka Amniga Soomaliya Mudane C/risaaq Cumar Maxamed.

Wafdiga waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Beledweyne ee Ugaas Khaliif kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan, Saraakiil ka Tirsan Dowlada iyo Amisom.

Ujeedka ugu weyn ay u gaareen Magaalada beledweyne ayaa lagu sheegay sidii ay u kormeeri lahaayeen dadka uu saameeyay fatahaada wabiga Shabeelle ee Magaalada Beledweyne ee uu dhawaan maasheeyay xaafada ku yaala Magaaladaas.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here