Tahriibayaal Soomaali ah ayaa Lagu Xiray Dalka Giriiga

0

Ciidamada Giriiga ayaa xabsiga dhigay Muhaajiriin Somaali ay ku jirto iyo rag lagu eedeeyay in ay yihiin kuwa wax Tahriibiya  xilli ay ku sugnaayeen gudaha dalkaas.

Ciidamada illaalaha xeebaha ee dalka Giriiga   ayaa sheegay in raga wax tahriibiya ee gacanta lagu dhigay ay ku jiraan 4 nin oo u dhashay isla wadanka Giriiga, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay tahriibinayeen Muhaajiriin ay ku jiraan Somaali oo si sharci daro ah ku socdaalayay.

Tahriibayaashaan ay gacanta ku dhigeen ciidamada illaalada xeebaha dalka Giriiga ayaa waxa ay ka koobnaayeen 12  qof  kuwaas oo u kala dhashay dalalka Somaliya iyo ciraaq.

Sida ay qortay wakaalada wararka u faafisa dalka Giriiga ee The Athens News Agency  dadkaan muhaajiriinta ah iyo kuwa wax tahriibiya ayaa waxaa ay kasoo amba-bexeen magaalada ku taala woqooyiga dalkaas ee lagu magacaabo Thessaloniki, waxaana ay ku siijeedeen magaalada kale ee dekeda leh ee layiraahdo Igoumenitsa oo ku taala Galbeedka halkaas oo lagu qabtay xili ay isku diyaarinayeen in ay doon karaacaan si ay u gaaraan dalka Talyaaniga.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here