Wararka Naga soo Gaaraya Duleedka Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa ku waramaya in qaraxyo miino loo adeegsaday in lala beegsday gaari ay la socdeen Ciidamo ka Tirsan kuwa Puntland oo marayay buuraha Galgala.
Qaraxa 1-aad ayaa la sheegay in uu qasaaro kasoo gaaray Ciidamada Maamulka Puntland wararka qaar ayaa sheegaya in tiro kamid ahaa ciidamada Puntland in ay soo gaaren dhaawac daran madaama qaraxa laga maqlay meelo badan.
Daqiiqado kadib qarax kale ayaa lala beegsaday ciidamo usoo gurmaday goobta qaraxu ka dhacay sida wararka qaar ay sheegeen.
War rasmi ah oo kasoo baxay Shabaab ayaa lagu sheegay in 17 askari ay ku dhinteen qaraxyada is xigxigay ee ka dhacay Deegaanka Galgala, war lagasii daayay Idaacadda Andalus ee afka xarakada ku hadasha ayaa lagu sheegay in Al-shabaab howlgal guulaystay ka fuliyeen deegaanka Galgala ee duleedka Magaalada boosaaso.

