Koox ka kooban Dhaqaatiir iyo Kalkaaliyayaal ayaa gaartay Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya si ay ula Tacaalan dad badan oo uu soo Ritay Cudurka Daacuunka.
14 qof ayaa la Sheegey in ay u geeriyoodeen Cudurka Daacuunka tira kalana waxaa la tilmaamayaa in ay lajiifaan
Kooxdaan oo ka kooban 11 xirfadlayaal Caafimaad ayaa waxa ay isugu jiraan 6-Dhaqtar iyo 5 kalkaaliye ayaa waxa ay kasoo amba-bexeen Magaalada Mombasa waxaan ay gaareen magaalada Mandheere si ay wax uga qabtaan Cudurka Daacuunka ee halkaas ka dilaacay.
Dhaqtarka Hogaaminaya kooxdaan oo lagu magacaabo Mahamud Mohammed ayaa sheegay in ay ka jawaabayaan dhibaatada haysata walaalohood kuwaas oo u sheegay in boqolkiiba konton ay saameeyeen Cudur Daacuunka iyo mid kale oo kaneecada laga qaado.
Dhaqtarkaan ayaa intaas kusii daray in dhibaatada ugu badan ay ka jirto xuduuda Kenya ay la leedahay Somaliya.

