Faah-Faahin ku Saabsan Qaraxyo Maanta ka Dhacay Duleedka Magaalada Boosaaso  ee Gobolka Bari

0

Wararka Naga soo Gaaraya Duleedka Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa ku waramaya in qaraxyo miino loo adeegsaday in lala beegsday gaari ay la socdeen Ciidamo ka Tirsan kuwa Puntland oo marayay buuraha  Galgala.

Qaraxa 1-aad ayaa la sheegay in uu qasaaro kasoo gaaray Ciidamada Maamulka Puntland wararka qaar ayaa sheegaya in tiro kamid ahaa ciidamada Puntland in ay soo gaaren dhaawac daran madaama qaraxa laga maqlay meelo badan.

Daqiiqado kadib qarax kale ayaa lala beegsaday ciidamo usoo gurmaday goobta qaraxu ka dhacay sida  wararka qaar ay sheegeen.

 

War rasmi ah oo kasoo baxay Shabaab  ayaa lagu sheegay in 17 askari  ay ku dhinteen  qaraxyada is xigxigay ee ka dhacay Deegaanka Galgala, war lagasii daayay Idaacadda Andalus ee afka xarakada ku hadasha ayaa lagu sheegay in Al-shabaab  howlgal guulaystay ka fuliyeen deegaanka Galgala ee duleedka Magaalada boosaaso.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here