Mareykanka oo Muwaadiniintiisa ugu Digay in ay u Soo Safraan Soomaliya

0

Dowlada Mareyakanka ayaa Muwaadiniinteeda ugu digtay in ay usoo safraan Gudaha Soomaliya Qatar laga qabo Al-shabaab oo xiriir la leh Urur Weynaha Al-qaacida.

War kasoo baxay Dowlada Mareykanka maanta oo Talaado ah ayaa lagu sheegay in Muwaadiniinta Mareykanka aysan u safri karin dalka Soomaiya kadib markii ay soo kordheen dhaq-dhaqaaqa xiriirka la leh Al-qaacida ee Af-duubka u geysta dadka kasoo jeeda Mareykanka ee Dalxiiska u taga meelo ay Soomaliya kamid tahay.

Dowlada Mareykanka waxa ay sidoo kale sheegtay in Muwaadiniinteeda ay ugu digayso in ay  u safraan Deeganada Puntland iyo soomali-land oo ay ku sheegtay in yihiin goobaha ay inta badan ka dhacaan Dilalka iyo Af-duubka loo geysto dadka kasoo jeeda Mareykanka.

Dowlada Mareykanka ayaa Arintaan ku sifeysay iyadoo ay soo kordheen Weerarada lagu qaado goobaha Maqaayadaha iyo Hoteelada ee ku yaala s Magaalada Muqdisho.

Bishii May 19-keeda, 1-Ruux oo haystay Dhalashada dalka Mareykanka ayaa Magaalada Muqdisho ku dhintay kadib weerar lagu qaaday Maqayad ku taala Magaalada Muqdisho.

Xigasho sputniknews.com

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here