Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ethiopia oo ku Dhawaaqay in uu yahay Mushurax u Taagan Xilka Agaasimaha WHO

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ethiopia,  ayaa maanta ku dhawaaqay in uu yahay mushurax u taagan qabashada Agaasimaha guud ee Hey’adda Caafimaadka Aduunka ee marka la soo gaabiyo la yirahdo WHO, oo lagu magacaabi doono shirka hey’adda ee sanadka soo socda.

Tedros Adhanom  ayaa noqday Hogaamiyihii ugu horeeyay ee Afrikaan ah ee isku soo taaga Xilka Agaasimaha guud ee Hey’adda Caafimaadka Aduunka ee marka la soo gaabiyo la yiraahdo WHO kadib markii uu horaan soo noqday wasiirkii Caafimaadka,

Hay’adda Caafimaadka Aduunka WHO, waxaa ay QM Aasaastey Sanadkii 1945-kii, oo haatan laga joogo 70 Sanadood. Balse WHO waligeed mayeelan Hogaamiye kasoo jeeda Qaarada Afrika, waxaana hadda isu soo taagey jagadaas Tedros Adhanom.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here