Dowlada Mareyakanka ayaa Muwaadiniinteeda ugu digtay in ay usoo safraan Gudaha Soomaliya Qatar laga qabo Al-shabaab oo xiriir la leh Urur Weynaha Al-qaacida.
War kasoo baxay Dowlada Mareykanka maanta oo Talaado ah ayaa lagu sheegay in Muwaadiniinta Mareykanka aysan u safri karin dalka Soomaiya kadib markii ay soo kordheen dhaq-dhaqaaqa xiriirka la leh Al-qaacida ee Af-duubka u geysta dadka kasoo jeeda Mareykanka ee Dalxiiska u taga meelo ay Soomaliya kamid tahay.
Dowlada Mareykanka waxa ay sidoo kale sheegtay in Muwaadiniinteeda ay ugu digayso in ay u safraan Deeganada Puntland iyo soomali-land oo ay ku sheegtay in yihiin goobaha ay inta badan ka dhacaan Dilalka iyo Af-duubka loo geysto dadka kasoo jeeda Mareykanka.
Dowlada Mareykanka ayaa Arintaan ku sifeysay iyadoo ay soo kordheen Weerarada lagu qaado goobaha Maqaayadaha iyo Hoteelada ee ku yaala s Magaalada Muqdisho.
Bishii May 19-keeda, 1-Ruux oo haystay Dhalashada dalka Mareykanka ayaa Magaalada Muqdisho ku dhintay kadib weerar lagu qaaday Maqayad ku taala Magaalada Muqdisho.
Xigasho sputniknews.com

