Madaxweynaha Soomaliya Xasan sheikh Maxamuud oo Qudbad ka jeedin doona Xarunta Golaha Shacabka

0

Waxaa Maanta si rasmi ah u Furmay Kalfadhigii 7-aad ee Mudanayaasha Baarlamanka soomaliya waxaa xaflada Furitaanka ka qeyb Galay Madaxweynaha dowlada soomaliya Xasan sheikh Maxamuud. Gudoomiyaha Baarlamanka soomaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari, Gudoomiyaha Maxkamadda Sare iyo xubo kale oo ka Tirsan xildhibaanada Baarlamanka soomaliya

Madaxweynaha soomaliya xasan sheikh Maxamuud ayaa la filayaa In xarunta Golaha shacaka uu ka jeediyo khudbad dhinacyo badan taabaneeso uu kaga Hadli doono waxqabadka dowladiisa iyo waxyaabaha u qorsheesan dowlada soomaliya mudada u Harsan

Dhanka kale Qodobka 90 aad ee dastuurka qaranka ayaa madaxweynaha dalka waxaa uu fareyaa in uu furo kalfadhiyada golaha shacabka oo Maanta si Rasmi ah u Furmay

Baarlamanka soomaliya waxaa Horyaala arimo badan oo loogu Baahan yahay in ay meel Mariyaan Intuu socdo Kalfadhiga 7-aad

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here