Maamulka degmada Baardheere ee Xarunta Gobolka Gedo ee dowlada soomaliya ayaa ka warbixiyay dagaalo ka dhacay qeybo kamid ah Gobolka Gedo ee koonfurta Dalka soomaliya
Gudoomiyaha Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo C/laahi Nuur Xasan oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa beeniyay wararka ku aadan in al-shabaab ay la wareegeen qeybo kamid ah meelaha ugu Muhiinsan Magaalada Baardheere ee Gobolka gedo gaar ahaan Garoonka diyaaradaha Magaalada Baardheere
C/laahi Nuur Xasan Gudoomiyaha Degmada baardheere ee Gobolka Gedo ayaa ku Tilmaamay been abuur wararka qaar ay warbaahinta qoreen oo ku aadan in al-shabaab ay la wareegeen saldhiga degmada Baardheere iyo Garoonka diyaaradaha Magaalada baardheere ee Gobolka Gedo kadib dagaal ka dhacay Gobolka
Dhanka kale Wali war Rasmi ah kama soo Bixin dhanka al-shabaab ay kaga Hadlayaan la wareegitaanka garoonka diyaaradaha Magaalada Baardheere iyo saldhiga Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo
wixii ku soo kordha kala soco simbanews.com

