Dib u Dhac ku Yimid Ansixinta Heshiiska Doorashada Soomaliya

0

Kulankii maanta ay Xildhibaanada Baarlamanka Soomaliya ay ku yeelan lahaayeen xarunta Golaha shacabka ee Magaalada muqdisho ayaa baaqday kadib markii xildhibaanada lagu wargaliyay in dib loo dhigay kulamada Baarlamanka Soomaliya,

Xildhibaanada Baarlamanka soomaliya ayaa maanta ka doodi lahaa Hanaanka doorashada isla maanta ayaa lagu waday in ay Ansixiyaan Heshiiska Hanaanka Doorashada oo dhawaan Xukuumada soomaliya ay usoo gudbisay Guddonka sare ee Baarlamanka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Baarlamaanka somaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ka hadlay  dib u dhaca ku yimid fadhigii baarlamaanka ayaa xildhibaanada ka codsaday inay fursad siiyaan shirarka ka socda magaalada Muqdisho ee xalka loogu  gaarayo khilaafka ka taagan heshiiska doorashooyinka, isaga oo sheegay in kulamadii baarlamaanka dib loo dhigay mudo laba cisho ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here