Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Kormeer ku Tagay Goobo uu Sameeyay Wabiga Shabeelle ee Magaalada Jowhar+Sawiro

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumada soomaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa maanta kormeer ku tagay goobaha ay saameynta ku yeeshteen Fatahaada uu sameeyay wabiga Shabeele ee maraya Tuulooyin hoos yimaada degmada Jowhar.

Kormeerka waxa Wasiirka ku wehliyay Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Cabdulaahi Guudlaawe Waxaana inta Badan ay socdaal ku mareen Tuulada Beyxoow  ilaa ay Ka gaareen Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya iyo Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe  Halka uu wabigu ka Fatahay.

Gudoomiyaha Tuulada Bayxoow  oo  hoos timaada Degmada Jowhar Xaamud Axmed ayaa warbaahinta u sheegay in Fataahada wabiga ay si Ba’an  u saameyay Beeralayda Tuuladda isla markaana uu baa’bi iyay beero badan.

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha dhexe Cali Cabdulaahi Guudlaawe ayaa Wafdiga Wasiirka kaga mahadceliyay koormeerka ay ku yimaadeen goobaha uu Fataahada ku sameeyay Wabiga Shabeelle wuxuuna Gudoomiyaha sheegay in 16,000 Hiktar oo Beera abuurnaa uu baabiyay Fatahaadu wabiga isla markaana ay jiraan deegaano kale uu sameeyay.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen oo Kormeerkan ku Qiimeynayay Fatahaada Wabiga iyo Cabsida la qabo waxa uu tilmaamy in si degdeg ah wax looga Qabanayo.

vlcsnap-2016-05-21-16h14m55s26 vlcsnap-2016-05-21-16h15m26s101 vlcsnap-2016-05-21-16h15m56s147 vlcsnap-2016-05-21-16h16m03s217 vlcsnap-2016-05-21-16h27m28s153 vlcsnap-2016-05-21-16h22m50s170 vlcsnap-2016-05-21-16h21m10s205 vlcsnap-2016-05-21-16h21m02s117 vlcsnap-2016-05-21-16h19m01s203 vlcsnap-2016-05-21-16h18m43s6 vlcsnap-2016-05-21-16h16m10s39

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here