Madaxweynaha Soomaliya:- Mudada Soo Socota Ciidamada AMISOM Waxa ay ka Baxayaan Garoonka Muqdisho Stadium

0

Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud oo xalay ka qeyb galay kulan su’aalo lagu weydiinayay ayaa ka hadlay xiliga ay Ciidamada Amisom ka bixi doonaan Garoonka Kubada Cagta Muqdisho Stadium.

Mudane Xasan sheikh Maxamuud ayaa sheegay in mudada soo socota ay bixin doonaan ciidamada AMISOM Garoonka  Kubada Cagta Muqdisho Stadium, oo fariisin ay ka sameysteen kadib markii ay dagaalo ka dhaceen xaafadaha ka ak dhow Garoonka Muqdisho.

“Mudada soo socota Ciidamada AMISOM waxa ay ka baxayaan Garoonka Muqdisho Stadium waa garoon loogu talagalay In ay ciyaaraha kala duwan ay ku ciyaaraan Dhalinayrada Soomaliyeed sida kubada Cagta, Basketballl-ka iyo in lagu qabto Ciyaaraha Gobolada dalka soomaliya  ayuu yiri Madaxweyne Xasan sheikh maxamuud.

Madaxweyne xasan sheikh Maxamuud ayaa tilmaamay in Madaxda AMISOM ay kala hadleen sidii Ciidamada Amisom loogu rari lahaa Xarunta Garoonka Kubada Cagta Muqdisho Stadium, si dib loogu bilaabo ciyaarihii.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here