Saraakiil Ka Tirsan Puntland oo Kormeeray Xabsiga Boosaaso oo Saaka Gadood uu ka jiray.

0

Gudomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida iyo Danbiyada culus ee shanta gobal ee Puntland iyo xeer ilaaliyaha guud ee maxkamada cidamada qalabka sida puntland ayaa ka warbixiyay kormeero ay ku tageen xabsiyada Magaalad Boosaaso.

Kormeerka ay sameyeen sarakiisha  maxkamada cidamada qalabka sida ayaa salka ku hayay sidii loo bari lahaa edesanayaasha xabsiga wayn ee bosaso ku jira oo sugaya racfaanka eeda lo haysto.

Maxkamada cidamada qalabka sida shanta gobal ayaa saaka ridi lahayd xukumo kala duwan waxana xabsiga wayn ee boosaaso oo maxkamada lagu qaadi lahaa ka jiray gadood ciidanka ay sameynayeen gaar ahaan ciidamada xabsiga.

Gudomiyaha Maxkamada Cidamada Qalabka Sida ee Puntland Col Cabdifataax Xaaji Aadan ayaa shegay inay xeer ilaaliyaha Ku Warejiyeen Dacwada Edesanayaasha Ku Jira xabsiga Wayn Ee Boosaso.

Xeer ilaaliyaha guud ee maxkamada cidamada qalabka sida ee puntland Col Cabdikariin xasan firdhiye ayaa shegay inay edesanayasha xabsiga ku jira la bari dono eeda lo haysto wixii lagu wayana la siiden doono.

Xeer ilaaliyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ee puntland Col Cabdikariin xasan firdhiye ayaa waxan wax ka waydiyay inay maxkamad soo tagayan sarakishii dhawaan ka dhalatay shaqaqadii boosaaso ka dhacday.

Maxkamada ciidamada qalabka sida shanta gobol ee puntland ayaa dib u dhigtay edeyntii ay qaadi lahayd taasi oo lo sababeynayay gadoodka cidamada xabsiga bosaso ay sameynayeen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here