Magaalada Muqdisho Maanta Barqadii Waxaa Soo gaaray Wafdi ka Socda QM kuwaasi oo la sheegay in dalka ay u yimaadeen ka xaqiiqo raadinta Hannaanka ay u socoto qabanqaabada u diyaargarowga Doorashada Madaxtinimada Dalka ee 2016 lagu wado in ay ka dhacdo Soomaaliya.
Wafdigaan oo isugu jira Xubno kala duwan ayaa Waxaa ay yihiin Xubno lagasoo diray golaha ammaanka ee QM,Waxaana ay kulamo gaargaar ah oo looga hadlidoono arimo kala duwan ay la yeeelandoonaan Madaxda Sare ee Dalka.
Markii ay soo gaareen Wafdigaan Magaalada Muqdisho waxaa ay la kulmeen masuuliyiin dowladda ka tirsan gaar ahaan RW-ku Xigeenka Dalka Maxamed Cumar Carte iyo Xubna kale oo Dowladda ka tirsan.
Wafdigan ayaa sidoo kale la kulmidoona Madaxweynaha iyo RW Soomaaliya iyagoo kala hadlidoona arima ku saabsan geeddi socodka doorashada dalka ee Sannadkaan.

