Qarax ismiidaamin ah oo ka Dhacay Maqaaxi ku Taala Xaafada Cali kamiin Degmada Warta-nabadda

0

Qarax xoogan ayaa goordhaweyd ka dhacay Maqaaxi  ku taala Xaafada Cali kamiin Degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa mid ismiidaamin ah islamarkaana uu fuliyay wiil dhalinyaro ah  oo xirnaa suunka qaraxyada loo adeegsado, halka wararka qaar ay sheegayaan in qaraxa lagu fuliyay mooto Bajaaj.

Waxaa la xaqiijiyay dhimashada laba qof oo middi uu yahay ninkii is qarxiyay iyo dhaawaca sideed kale. Saddex ka mid ah dadka dhaawacmay waxay ka tirsan yihiin Ciidamada Militariga dowlada soomaliya oo ku sugnaa goobta maqaayada.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dhaawaca 8-rux oo askar ay ku jirto iyo dhimashada wiilkii isqarxiyay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here