Muwaadin Britain ah oo asal ahaan kasoo jeeda wadanka soomaliya ayaa isku qarxiyay ciidamo ka Tirsan kuwa dowlada ciraaq oo ku sugnaa Magaalada Ramadi ee wadanka Iraq.
Abu Khalid al-Britan ayaa Haysta dhalashada wadanka Ingiriiska waxaa la aaminsan yahay in uu mudo ku noolaa wadamada Yemen iyo soomaliya
Ninkaan ka Tirsanaa kooxda daacish ayaa Fuliyay qarax loo adeegsaday Gaari kasoo ka dhacay Magaalada Ramadi ee wadanka Iraq waxaana ku dhintay qaraxa ismiidaaminta ahaa askar gaareysa 150-askari oo ka Tirsaneed ciidamada dowlada Ciraaq
Waxaa Muwaadinkii Labaad ee kasoo jeeda wadanka Ingiriiska ee fuliya qaraxyada ismiidaaminta waxaa Horaantii sanadkaan fuliyay qaraxa sidaan oo kala ah Fatlum Shalaku, 20-jir ah oo ingiriiska kasoo jeeda




