Kalfadhiga 7-aad ee Mudanayaasha Baarlamanka Soomaliya oo Maanta Furmaya

0

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ee caasimada soomaliya gaar ahaan xarunta Golaha shacabka ka Furmi doona Kalfadhigii 7-aad ee Mudanayaasha Baarlamanka soomaliya

Habdhowraha baarlamanka soomaliya xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo la Hadlay idaacada simba ayaa sheegay in maanta uu Furmi doono Kalfadhigii 7-aad ee Mudanayaasha Baarlamanka soomaliya isagoona  sidoo kale Tilmaamay in kulanka Maanta uu yahay xaflada Furitaanka Kalfadhiga 7-aad

Gudoomiyaha Baarlamanka soomaliya Pro: Maxamed shiikh cusmaan oo war qoraal ah soo saaray habeenkii xalay ahaa ayaa  dhamaan xildhibaanada Baarlamanka soomaliya ugu Baaqay in ay kasoo qeyb Galaan xaflada Furitaanka Kalfadhiga 7-aad ee Golaha shacabka

Sidoo kale Maxamed sheikh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay  In Mudanayaasha Baarlamanka soomaliya ay Horyaalaan shaqooyin badan kuwasoo loo baahan yahay in wax laga qabto

Amaanka wadooyinka soo Gala xarunta Golaha shacabka soomaliya ayaa aad loo adkeeyay waxaana lagu arkayaa ciidamo ka Tirsan kuwa dowlada soomaliya iyo ciidamada Midowga africa ee amisom

Waa kalfadhigii 7-aad ee Golaha shacabka soomaliya waxaa kulamada Baarlamanka soomaliya ka Harsan kalfadhiyada 7-aad iyo 8-aad, kulamada Baarlamanka soomaliya ayaa soo xirmi doona Bisha August ee Sanadka 2016

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here