Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud waxaa Goordhaweyd gaaray Wafdi ka socdo Dowlad Goboleedyada uu Hogaaminaayo xog’hayaha joogtada ee Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Yaxye Cali Ibraahim.
Wafdiga waxaa Garoonka Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud kusoo dhaweeyay Madaxda maamulka Galmudug sida Wasiiro, Xildhibaano iyo Saraakiil ka Tirsan Ciidamada Dowlada Goboleedka Galmudug.
Ujeedka wafdiga ayaa lagu sheegay in Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ay kaga qeyb galaan shir looga hadlaayo arrimaha Federaalka iyo Dowladaha Hoose si loogu diyaar garoobo Doorashooyinka lagu wado in Sanadkaan gudahiisa ay ka qabsoomaan Gobolada dalka Soomaliya.

