
Ciidamada Dowlada Soomaliya oo kaashanaya Kuwa Midowga Afrika ee Amisom ayaa Saakay Aroortii Weerar ku qaaday Saldhig ay Alshabaab ku lahaayeen deegaanka Bariira ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Dagaal xoogan oo ka dhacay Deegaanka Bariiira ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa la sheegay in la isku adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan.
Maamulka Xarakada Al-shabaab ee deegaanka Bariira ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo warbaahinta Al-shabaab la hadlay ayaa sheegay in weerarka ay soo qaadeen Ciidamada Amisom iyo Ciidamo Mareykan ah isla markaana ujeedkooda ahaa sidii ay ula wareegi lahaayeen Deegaanka Bariira ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Mudooyinkii dambe waxaa Gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfurta Soomaliya deegaano kamid ah ka jiray Guluf Colaadeed oo u dhaxeeyay Dowlada iyo Al-shabaab, dagaalka waxaa sidoo kale ka qeyb qaadanayay Diyaaradaha Dowlada Mareykanka.
