Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud oo Xalay ka qeyb galay Xaflad lagu xusaayay 15-may Maalinta Dhalinyarada Soomaliyeed oo ka dhacday Xarunta dowlada Hoose ayaa ka hadlay Arrimo badan oo ku saabsan Xaaladaha dalka Soomaliya.
Xasan Shiikh Maxamuud oo ugu horeyntii ka Hadlay Arrimaha Amniga ayaa sheegay in guulo Waa weyn la gaaray dhanka Amniga isla markaana ay Ciidamada Dowlada Soomaliya iyo kuwa Amisom ay Al-shabaab kala Wareegeen deegaano badan ay kaga sugnaayeen Gobolada dalka Soomaliya.
Madaxweynaha Soomaliya ayaa Tilmaamay in sanadkaan ay rajeenayaan inta ka dhiman in dalka laga saaro Al-shabaab oo meelo kooban Gobolada dalka Soomaliya kaga sugan waa siduu hadalka u dhigay Madaxweynaha.
“Al-shabaab waa laga guuleystay haatan waxa ay ku sugan yihiin meelo kooban oo Gobolada dalka Soomaliya ku yaala, inta ka harsan Sanadkaan Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed iyo kuwa AMISOM waxa ay sii xoojin doonaan la Dagaalanka Al-shabaab,
Dhanka kale Madaxweynaha Soomaliya Xasan sheikh Maxamuud Qudbadiisa Xalay waxa uu kusoo hadal qaaday Arrimaha qaadka ama Jaadka iyo Doorka Dhalinyarada ay ku leeyihiin dib u dhiska dalka,
Madaxweynaha ayaa sheegay in qaadka ama jaadka uu saameyn badan ku yeehstay Bulshada dhaxdeeda isla markaana ay ka shaqeyn doonaan ka Dowlada ahaan sidii loo yereyn lahaa qaadka kaga yimaada dalka Kenya.
Mudane Xasan sheikh Maxamuud oo ka hadlay Doorka Dhalinyarada ee dib u dhiska dalka ayaa sheegay in Dhalinyarad ay yihiin kuwa mar walba hormarin kara dalkooda islamarkaana loogu baahan yahay Dhalinyarada Soomaliyeed in ay usoo jeestaan dib u dhiska dalkooda.

