Kooxo Hubeysan oo Xalay Weerar ku Qaaday Guri uu Balad Xaawo ka Daganaa Sarkaal ka Tirsan Ciidamada Dowlada

0

Kooxo Hubeysan ayaa habeenkii Xalay ahaa waxa ay weerar ku qaadeen Guri uu Degmada Balad Xaawo ka daganaa Sarkaal ka Tirsan Ciidamada Dowlada Soomaliya.

Kooxda weerartay Guriga Sarkaalka ayaa lagu qiyaasay 50-nin waxa ayna iska caabin Saacada badan socotay ay kala kulmeen ilaalada Guriga Sarkaalka oo ku yaala Xaafada Xalanley, Degmada Balad-Xaawo ee Gobolka Gedo.

Sarkaalka la Weeraray ayaa Magaciisa lagu sheegay Cismaan Yare waxaa la sheegay in xilligii la weerarayay uu la joogay Sarkaal kale oo lagu magacaabo Cali Shire, sidoo kalana ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Gobolada Jubbooyinka.

Dhanka kale  Ciidamo kaloo ka Tirsan kuwa Dowlada Soomaliya oo gaaray Guriga la Weeraray ayaa la sheegay in ay samata-bixiyeen Labada sarkaal ee ka Tirsan Ciidamada dowlada Soomaliya ee la weeraray Xalay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here