Amar Laga Soo Saaray Xuska Maalinta Dhalinyrada 15-May

0

Xili maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya iyo qaar kamid Gobolada dalka Soomaliya laga Xusaayo Maalinta Dhalinyarada 15-may ayaa Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha Xukuumadda Soomaaliya  waxa ay amar ku bixisay in aanan la qaban karin xaflad ku saabsan xuska 15 May iyadoo aan ogoaalansho laga heysan maamulka gobolka Banaadir.

Wasiirka wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaharaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed  C/laahi Xasan (Nuux) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aan la qaban Karin Xuska 15-may iyadoo aan fasax laga haysan Maamulka Gobolka Banaadir.

Maxamed  C/laahi Xasan (Nuux) ayaa tilmaamay in ujeedka go’aankaan uu yahay in la hubiyo amniga goobaha lagu qabanaayo xuska 15-may madaama Amaanka Gobolka uu haatan gacanta ku hayo maamulka Gobolka Banaadir.

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here