Sarkaal ka Tirsanaa Ciidanka Badda Soomaliya oo Xalay Lagu Dilay Degmada Waabari

0

Kooxo Hubeysan ayaa Habeenkii xalay ahaa waxa ay Gudaha degmada Waabari ee Gobolka Banaadir ku dileen Sarkaal la sheegay in uu  ka Tirsanaa Ciidanka Badda Soomaliya.

Rag Hubeysan ayaa la sheegay in ay dhowr Xabadood ku dhufteen sarkaalkaan ka Tirsanaa Ciidanka Badda Soomaliya, Iyagoo markii dambe goobta ka baxsaday.

Sarakaalka la dilay oo darajadiisa ciidan ay aheyd Laba xidigle sida aynu wararka ku halayno waxaa dilka mas’uuliyadiisa sheegtay Xarakada Al-shabaab.

Sarkaalka la dilay ayaa Magaciisa lagu sheegay Cali Cabdullaahi, Wuxuu kamid ahaa Ciidanka Badda Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here