Gudoomiyaha Gobolka Banaadir:- Sababaha ugu Weyn ee Dhalinyarada u Tahriibayaan Waa Amni Daro ka jirta Dalka

0

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho sheikh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka hadlay sababaha ay dhalinyarada Soomaliyeed ugu dhamaanayaan baddaha Caalamka si ay u gaaraan Wadamada Yurub.

Sheikh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa tilmaamay in sababta ugu weyn ee dhalinyarada  u tahriibayaan ay tahay Amni daro iyo shaqo la’aan ka jirta Gudaha Soomaliya sidaad darteed ay macin-bideen ka tagista dalkooda hooyo.

“Sababta Ugu weyn ee dhalinyarada ugu dhamaanayaan Baddaha Caalamka waa amni daro ka jirta dalka iyo  shaqo la’aan, waa in aan u istaagnaa sidii loo badbaadin lahaa dhalinyarada ku dhamaanaysa baddaha Caalamka ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Dhanka kale Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa haweenka ku nool Magaalada Muqdisho ugu baaqay inay ka qayb qaataan dadaalada lagu xoojinaayo ammaanka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here