Laamaha Amaanka Gobolka Banaadir oo Soo Bandhigay  Combiyuutarro Qaraxyo Lagu Diyaarinayay+Sawirro

0

Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa Taalada Daljirka Daahsoon ee Degmada Boondheere  ku soo bandhigay 7 Cobiyuutar, Moobaylo kuwa Gacanta ah iyo Gaari nooca raaxada iyo Liiska Magacyada Dhallinyaro la sheegay in ay doonayeen ku biirista Daacish-ta Soomaliya.

Cali Xirsi Barre Cali Gaab Taliska Booliska Gobolka Banaadir  oo warbaahinta kula hadlay Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere ayaa sheegay in waxyaabaha qarxa lasoo qabtay kadib markii howlgalka laga sameeyay Degmada Howlwadaag.

Taliye Cali Gaab ayaa sheegay in ninkii diyaarinayay waxyaabaha qarxa ay gacanta ku hayaan Laamaha Amaanka Dalka isla markaana ujeedkiisa ahaa sidii waxyeelo loo gaarsiin lahaa shacabka Soomaliyeed ee masaakiinta ah.

Dhanka kale Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir C/fataax  Cumar Xalane ayaa sheegay in tallaabadaan ay tahay Guul u soo hooyatay Umadda Soomaaliyeed,

Shalay ayay aheyd markii Ciidamada dowlada Soomaliya ay howlgal gaar ah ay ka sameeyeen Xaafada Nasrudiin ee degmada Howlwadaag.

13140885_568701816631470_1991615954_n 13178754_925201484259309_1645957883935761825_n 13187888_568701239964861_791211497_n 13219805_568701279964857_975445829_n 13220078_568701666631485_1049374038_n 13226761_925202350925889_3323481448123100017_n 13226811_925202390925885_3509071622337640724_n 13226811_925202390925885_3509071622337640724_n-640x360 13228028_568701769964808_2035827553_n 13228075_568701433298175_1986542353_n 13231038_568700379964947_1947775506_n 13235740_568701539964831_1264486552_n 13235844_568700439964941_780176902_n 13236108_568701133298205_2110649970_n

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here