Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa Taalada Daljirka Daahsoon ee Degmada Boondheere ku soo bandhigay 7 Cobiyuutar, Moobaylo kuwa Gacanta ah iyo Gaari nooca raaxada iyo Liiska Magacyada Dhallinyaro la sheegay in ay doonayeen ku biirista Daacish-ta Soomaliya.
Cali Xirsi Barre Cali Gaab Taliska Booliska Gobolka Banaadir oo warbaahinta kula hadlay Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere ayaa sheegay in waxyaabaha qarxa lasoo qabtay kadib markii howlgalka laga sameeyay Degmada Howlwadaag.
Taliye Cali Gaab ayaa sheegay in ninkii diyaarinayay waxyaabaha qarxa ay gacanta ku hayaan Laamaha Amaanka Dalka isla markaana ujeedkiisa ahaa sidii waxyeelo loo gaarsiin lahaa shacabka Soomaliyeed ee masaakiinta ah.
Dhanka kale Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa sheegay in tallaabadaan ay tahay Guul u soo hooyatay Umadda Soomaaliyeed,
Shalay ayay aheyd markii Ciidamada dowlada Soomaliya ay howlgal gaar ah ay ka sameeyeen Xaafada Nasrudiin ee degmada Howlwadaag.















