Dowlada Soomaliya ayaa Faah-Faahin ka bixisay nin ay Ciidamada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaliya ay maanta ku qabteen howlgal ay ka sameeyeen degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir.
C/fitaax Cumar Xalane Afhayeenka Maamulka Gobolka Banadir oo goordhaweyd warbaahinta shir jaraaid ugu qabtay qadka Taleefanka ayaa sheegay in Laamaha amniga ay gacanta kusoo dhigeen nin ka tirsan ururka Daacish xili gurigiisa oo ku yaala Xaafada Nasrudiin ee degmada Howlwadaag uu ku diyaarinayay waxyaabaha qarxa.
Sidoo kale Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa tilmaamay in qaraxyadaan lala damacsanaa in lagu weeraro Xarunta Taalada daljirka Dahsoon ee Magaalada Muqdisho oo lagu qabanayo maanta Xuska maalinta Dhalinyarada 15-may.

