Wararka naga soo gaaraya xarunta Fiisha Taraafiko ayaa sheegaya in goordhaweyd uu halkaas ka dhacay qarax qasaaro dhimasho iyo dhaawac geystay.
Qaraxa ayaa la sheegayaa in uu ahaa mid ismiidaamin ah waxaa lagu fuliyay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.
Xarunta Fiisha Taraafiko ayaa waxa ay ku taalla Degmada Shangaani, waxaana ay ku dhaw dahay Xarunta Safaarada Imaaraadka Carabta ee Magaalada Muqdisho.

