Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud ayaa Magaalada Djabuuti ee Caasimada dalka Jabuuti kula Kulmay Madaxweynihii Hore ee Soomaliya Sheikh shariif Sheikh Axmed oo ka qeyb galay Caleema-saarka Madaxweynaha dalka Jabuuti.
Madaxweynaha Somaliya, ayaa si kedis ahayd ula kulmay Shariif Sheekh Axmed, xilli ay la jooggeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Hogaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya, Xildhibaan Aadan Barre Ducaale.
Madaxweynaha Soomaliya Xasan Shiikh iyo sheikh Shariif ayaa kulankooda la sheegay in uu ku koobnaa kaliyah is arag waxaa la tilmaamayaa in ay jiri karaan kulamo kale oo labada mas’uul ay wada qaateen.






