Sawirro:-Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo Maanta La Caleema-saaray

0

Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta Lagu Caleema-saaray Magaalada Caasimada ee Djabuuti ee dalka Jabuuti.

Caleema-saarka Madaxweynaha Jabuuti oo ka dhacay qasriga Madaxtooyada Jabuuti waxaa ka qeyb galay wafuud kala duwan oo heer caalami ah sida, Madaxweynaha Somaliya, Madaxweynaha Sudan, Madaxweynaha Rwanda, Madaxweyne Ku Xigeenka Uganda, Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Wafuud heer Wasiiro, Wakiilo ka kala socday Wadamada Caalamka qaarkood iyo marti sharaf kaloo lagu soo casuumay.

Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo lagu dhaariyay isla munaasabada Caleema-saarka ayaa ku dhaartay Kitaabka Qur’aanka Kariimka, isagoona wacad ku maray inuu daacad ugu adeegi doono dadkiisa reer Jabuuti.

Dhawaan ayay aheyd markii Mudane Geelle uu ku guuleystay Doorasho ka dhacay dalka Jabuuti 5-sano ee soo socota ayuu sii hogaamin doonaa dalka Jabuuti.

1462717454dba58 1462717460be041 1462717460cfa5f 1462717465e6004 1462717472f7134 14627174565b84f 14627174594e995 14627174695f734 14627174707dcf0 14627174746e3ff 1462717476764b6

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here