Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamanka Soomaliya ayaa soo dhaweeyay qaabka ay Dowlada Soomaliya u doonayso in waqtiga Doorashada loogu talagalay ay ku dhacdo.
“Aniga waxaan ku leeyahay si sahal ah maa loogu sheekeyn doonaa, miro gunta kugu jira kuwa geed saaran looma daadiyo anigana Musharax ma’ihi 2016 Doorashada dalka ka dhacaysa, laakiin waxaan ku faraxsanahay in maanta Madaxweynaha dowlada soomaliya iyo Dowladuba ay ka shaqeeyaan inaysan muddada kororsan Ayuu yiri Faarax oo la hadlay TV-ga Universal
Dhawaan ayay aheyd markii Cumar C/rashiid Cali sharmarke Raisul Wasaaraha Somaliya uu sheegay inay suurtagal tahay sanadkaan arimo farsamo awgeed in muddo labo bilood ah lagu daro waqtigii la filaayay in ay Doorashada dhacdo.

