Shil Gaari oo Sababay Dhimasho oo ka Dhacay Wadada Xiriirisa Magaalooyinka Burco iyo Sheekh

0

Wararka ka imaanaya  Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer ayaa  sheegaya in wadada xiriirisa Magaalooyinka Burco iyo Sheekh In uu ka dhacay shil gaari oo sababay qasaaro Dhimasho.

Dhammaan dadka dhintay, ayaa ahaa sida la xaqiijiyay  Dhalinyaro, iyadoo kan ugu wayn da’diisa lagu sheegay 24-sano jir, waxayna dhinteen markii uu dulmaray gaari  noociisu ahaa booyad, oo ka yimid dhanka Magaalada Shiikh.

Gudoomiyaha Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer   Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo),  oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Dhalinyaradan, ay ka amba baxeen Magaalada Burco, ujeedkoodana ahaa inay dalxiis ahaan u taggaan dowga buuraleyda ah ee Magaalada Sheekh,

Dhanka kale Shilka gaari ayaa la sheegay in uu ka badbaaday kaliyah  Canug toddobo bilood jiray, oo ay dhashay gabar dhalinyaro ahayd, kana mid ahayd toddobadii qof ee shilkaasi ku dhimatay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here