Dowlada Mareykanka ayaa Xarakada al-shabaab oo soomaliya ka dagaalanta ku eedeysay in ay Askareeyaan caruurta aan wali qaan-gaarin.
Waaxda CIA Mareykanka ayaa sheegtay in al-shabaab ay caruurta ka afduubtaan goobaha waxbarashada, meelaha kubadaha lagu ciyaaro iyagoo geeya meel ka baxsan halkii ay ku noolaayeen,
Al-shabaab waxaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay caruurta u adeegsadaan falalka dilalka, qaraxyada, shirqoolka dadka dowlada soomaliya la shaqeeya iyo dadka kasoo horjeeda fikirka xarakada al-shabaab.
Dowlada Mareykanka waxa ay sidoo kale ku eedeysay Hay’ada Nabad Sugida iyo Siroonka Qaranka Dowlada Soomaliya ee NISA in Dhalinyrada kasoo goosta al-shabaab in ay u adeegsadaan dhanka Sirdoonka iyo in ay basaasaan rag ka tirsan al-shabaab ee Magaalooyinka dalka ku sugan.
“Al-shabaab waxa ay dagaalada dowlada iyo AMISOM u adeegsadaan caruur yar yar sida dagaalkiii dhawaan ka dhacay deegaanada maamulka Puntland waxa dagaalamaya waa caruur da’dooda ay ka yar tahay 16-sano ilaa 19-sano ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowlada Mareykanka.
Taliyaha Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka dowlada Soomaliya C/raxmaan Tuur-yare oo dhawaan warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowlada soomaliya aysan askareynin caruurta yar yar ay al-shabaab yihiin kuwa dagaalada u adeegsada.
Dowlada Soomaliya iyo al-shabaab ayaa lagu eedeeyaa mar walba askareynta Caruurta aan qaan-gaarin.

