Wararka ka imaanya deegaanka deynuunaay ee duleedka Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in ugu yaraan siddeed askari oo ka tirsanaa ciidamada dawladda Soomaaliya ay ku dhinteen halka sagaal kalena ay ku dhaawacmeen dagaal ay la galeen ciidamo ka tirsan kuwa Al-Shabaab.
Dadka deegaanka, ayaa waxay xaqiijiyeen tiro ka mid ahaa meydadka Ciidamada Dowladda soomaliya inay ku arkeen deegaanka Daynuunaay, halka tiro intaa ka badana ay arkeen dhaawacyadooda.
Dhanka kale Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed, Xasan Cabdi Maxamed, ayaa dhankiisa sheegay in dagaalka uu sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh oo labada dhinac ah, balse wasiirka wuxuu ka gaabsaday inuu ka hadlo inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha soo gaaray ciidamada dowlada soomaliya.
Dowlada Soomaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya ayaa dhankooda sheegay in ay dagaalka ku dileen 20-askari oo ka tirsanaa ciidamada al-shabaab oo deegaanka kasoo weeraray jihooyin kala duwan.

