Xidiga kooxda Real Madrid Gareth Bale ayaa sheegay in uu aad u jeclaan lahaa hadii ay group Stage-ka ay kuwada kulmaan kooxdiisa hore ee Totenham xili Ciyaareedka soo socda..
Laacibka heerka caalami ee xulka dalka Wales ayaa ka dhaqaaqay kooxda Totenham ee Magaalada London ka dhisan isagoona ku biiray kooxda Real Madrid sanadkii 2013-kii, Madrid ayaa ku iibsatay xidigaan aduun dhan £85 million.
Mudada uu ku sugan yahay Madrid ayuu ku guuleystay koobkii 10-aad ee Champions League isagoo u dhaliyay 57-Goal ayna ku jirta 18-Goal uu xili ciyaareedkaan dhaliyay laacibka.

