Kaptanka kooxda Beyer Munich Phillipp Lahm ayaa aaminsan in uusan aheyn xidiga Mario Gotze mid wax jiro aheyn isagoona Ku Tilmaamay Laacibka in uu leeyahay Tayo wanaagsan xiligaan
Xidiga Mario Gotze ayaa Hal Gool dhaliyay kulankii ay kooxda Beyer Munich 5:0 ay kaga adkaatay kooxda Dinamo Zagreb kulamada Champions League oo Todobaadkaan dhacay
Sidoo kale waxa uu aamisan yahay in uu Bandhig wanaagsan uu sameyn doono kulanka ay Todobaadkaan Gudihiisa ay la ciyaari doonaan kooxdiisa Hore ee Dortmund
Laacibka xulka dalka Germany Mario Gotze ayaa ku jahwareersan Nolosha kooxda Beyer Munich xili uu sanadkii Hore uu dhaliyay Goolkii Guusha koobka aduunka dalka Brazil ka dhacay

