Daaficii Hore ee kooxda Manchester United Rio Ferdinand ayaa amaan weyn u soo jeediyay weeraryahanka kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo kadib markii uu xalay uu dhaliyay Goolkiisa 500-aad
Kulankii ay kooxda Real Madrid xalay la ciyaartay kooxda dalka Sweden ee Malmo waxa uu dhaliyay Kaptanka xulka dalka Portugal Goolkiisa 500-aad ee kooxda Real Madrid tan iyo markii uu kusoo biiray xili ciyaareedkii 2009
Daaficii Hore ee kooxda Manchester United iyo xulka dalka England Ferdinand oo saxaaafada la Hadlay kadib guushii Real Madrid ay ka Gaartay kooxda Malmo ayuu Ronaldo ku Tilmaamay mid kamid xidigaha ugu wanaagsan aduunyada xiligaan

