Guddoomiyaha barlamanka Soomaaliya ahna ku simaha madaxwaynaha dalka mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari “ ayaa maanta xarunta villa soomaliya kulan kula Yeeshtay saraakiisha ciidanka booliska Soomaaliyeed iyo kuwa maamul goboleedyadda Dalka ka jira ujeedka kulanka ayaa lagu sheegay sidii loo dhiirigalin lahaa qorsha uu wado taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed oo ku aadan Nooca ciidan ay yeelan dooonaan maamul Goboleedyada dalka ka Jira xiligaan
Guddoomiyaha Baarlamka Soomaaliyeed Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” ayaa inta badan warbixino ka dhageystay saraakiisha ciidamada dowlada soomaliya oo la xiriira sidii ciidamada Booliska soomaliyeed ugu midoobi lahaayeen sugida amniga dalka
Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in muhiimada kulanka uu ahaa sidii loo qalabeyn lahaa ciidamada Booliska soomaliyeed oo sameyn ku yeeshtay Burburkii dalka ka dhacay
Dhanka kale Gudoomiyaha Baarlamanka soomaliya ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Ambassador Wandamu iyagoo kawada hadlay xoojinta xiriirka u dhaxeeya wadamada Ethopia iyo soomaliya
Sidoo kale Guddoomiyha golaha shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa sidoo kale hambalyo u diray Guddoomiyaha Cusub ee baarlamaanka Itoobiya, oo ay dhawan doorteen xubnaha baarlamaanka dalkaasi.

