Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda Qaraxyadii xalay ka dhacay Magaaladda Baladweweyne ee Gobolka Hiiraan.
Warar lagu baahiyay warbaahinta Al-shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxyada oo seddex ahaa ayaa lala beegsaday Mas’uuliyiin ka Tirsan Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Hir-shabeelle.
Mid ka mid ah qaraxyada ayaa ka dhacay gudaha xerada Lama Galaay ee ku taalla duleedka magaalada Baladweyne, halkaas oo ay ka socoto abaabulka doorashada kuraasta taalla magaalada Baladweyne sidoo kalena ay degan yihiin siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta u sharraxan kuraasta xilldhibaanimo.
“Tobanaan isugu jira siyaasiyiin u sharraxnaa xildhibaanimo, mas’uuliyiin ka tirsan DFS iyo kuwa HiirShabelle oo ay ku jiraan xildhibaano hadda jooga iyo kuwa hore, waziiro ka tirsanaa xukuumadihii dalka soo maray ayaa ku dhintay, kuna dhaawacmay qaraxyadaas”, ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al-shabaab.
Xerada Lama galaay oo ah halka qaraxyadu ka dhaceen ayaa aad ugu dhow xarunta maamulka gobolka Hiiraan, waxaana ay ka mid tahay goobaha aadka loo ilaaliyo ee ay ka socoto abaabulka doorashada, sidoo kalena degan yihiin siyaasiyiinta kuraasta xildhibaanimo u soo raadsaday magaaladaasi.

