SIdee Loo Fuliyay Qaraxii Lagu Dilay Xildhibaanadd Aamino Maxamed Cabdi

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyadii xalay ka dhacay magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan kaasi oo galaaftay Nolosha xildhibaano,askar iyo dad shacab ah.

Qaraxyadda ayaa ka kala dhacay afafka hore ee xarunta madaxtooyadda e Magaaladda Baladweyne,iyo isbitaalka Magaaladda.

Dadka qaraxyadda ku dhintay waxaa kamid aheyd Xildhibaanadd Aamino Maxamed Cabdi oo si weyn loogu xasuusto kaalintii ay ku laheyd ka hadalka kiiska Sarkaaladda Ikraan Tahliil Faarax, oo kamid aheyd Hay’add Nabadd Sugidda iyo Sirdoonka qaranka Dowladda Soomaliya.

Laamaha Amniga Beledweyne ayaa sheegay in qofka is qarxiyay uu isku duubay Xildhibaan Aamina afaafka hore ee Madaxtooyada Magaaladda Baladweyne, wax yar kaddib markii ay ka soo baxday guri ay deganeyd oo ku dhegan Madaxtooyada.

Sidoo kale Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Hirshabelle ayaa laga soo xigtay in ninka is qarxiyay uu xirnaa dareys ciidan,islamarkaana goobta lagu diyaariyay xili hore.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here