Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa aad u cambaareeyay falkii argagixiso ee ka dhacay afaafka hore Madaxtooyada Magaaalada Beledweyne oo ay ku geeriyoodeen Allaha u naxariistee Xilibaan Aamino Maxamed Cabdi, Xilibaan hore Cali Cabdi Dhuxul Masuuliyiin iyo dad shacab ah.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in cadowga argagixisada ay marwalba qorsheeyaan xasuuqa dadka waxgalka u ah bulshada lagama maarmaana ay tahay in meel looga soo wada jeesto.
Madaxweynaha ayaa u tacsiyeeyay ehellada iyo qaraabada dadkii ku nafwaayay weerarkii bahalnimo ee caawa waxa uuna alle uga baryay in naxariistii janno uu ka waraabiyo, inta dhaawaca ahna waxa uu alle u waydiiyay caafimaad deg deg ah.
ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa faray hay’addaha amniga in baaris deg deg ku sameeyaan falkii caawa dhacay.

