Maaamulka Galmudug ayaa maanta soo gaba-gabeynaya doorashadda Xildhibaanadda Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Ilaa 3-kursi oo kala ah HOP018, HOP020,HOP021 ayaa maanta lagu dooranayaa Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ,waxaana kuraasta ugu dambeysa ee Xildhibaanadda Golaha shacabka xubnaha ka imaanaya Galmudug.
Musharixiinta Kursiga HOP#018 oo shahaadada musharaxnimo qaatay, Musharixiintaas oo kala ah :-
- Sahro Colaad Cabdi
- 2- Nimco Cabdi Maxamuud
Musharixiinta kursiga HOP#021 oo shahaadada Musharaxnimo qaatay, Musharixiintaas oo kala ah:-
1- Xuseen Axmed Culusoow
2- Yaasmiin Yaasiin Xassan
Galmudug ayaa noqonaysa maamulkii labaad ee soo gaba-gabeeya doorashadda xildhibaanadda golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

