Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in la hakiyay doorashada Kuraasta Magaaladda Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, sababo amni darro awgeed.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in arrintan la xiriirto khilaaf u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle oo isku haya kuraasta in la furo oo loo tartamo iyo in la xiro.
11-Kursi oo taala Magaaladda Beledweyne ayaa waxaa haatan hareeyay khilaaf xoogan, oo ka dhashay in doorashadda kuraasta la furo ama loo xiro shaqsiyaad gaar ah.


